Somaliland ayaa Dadka kasoo Horjeeda inay Safaarad ka furato Quddus u aqoonsatay kuwo lidi ku ah oo ka xun jiritaankeeda qaranimo, sida uu sheegay afhayeenka Madaxweyne Cirro Xuseen Aadan Cige Dayr.
“Dadka ka soo horjeeda go’aanka Somaliland safaarad ku doonaysay inay Qudus kaga furato dhab ahaanti waxay ka soo horjeedan jiritaanka Somaliland, madax-banaanideda iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee Shacabka Somaliland.
Furashada Somaliland ee safaaradasina waa qayb ka mid ah xaqa qaranimo iyo danaha istaraatijiyeed ee Jamhuuriyada Somaliland ay leedahay.”

