Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ammaan u jeediyay ciidamada Israa’iil kaddib markii ay la wareegeen Buurta iyo Qalcadda Beaufort Castle ee koonfurta Lubnaan, isagoo ku tilmaamay guul istaraatiiji ah oo muhiim ah.
Netanyahu ayaa sheegay inuu amar ku siiyay ciidamada Israa’iil inay ballaariyaan howlgalka militari ee ka socda Lubnaan, si loo xoojiyo loona balaariyo gacan-ku-haynta Israa’iil ee deegaannadii hore ay gacanta ugu hayeen dagaalyahannada Hezbollah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in ciidamada Israa’iil ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyadooda militari si ay u xaqiijiyaan waxa uu ku tilmaamay amniga waqooyiga Israa’iil iyo ka hortagga khataraha ka iman kara xuduudda Lubnaan.
