Wargeyska Hindiya Oo Dhaleeceeyay Awoodda Militari ee Mareykanka, kadib Dagaalkii Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Hindiya ka soo baxa ee EurAsian Times, ayaa baahiyay warbixin uu ku dhaleeceynayo awoodda militari ee Mareykanka, ka dib dagaalkii Iiraan.

Waqti dheer Trump, ayaa Hindiya u muujinayay kuwa daciif ah marka la barbar dhigo Pakistan, markan Hindida ayaa u muuqda inay ka faa’iideysanayaan xaaladda uu Trump ku jiro.

Warbixinta wargeyskan ayaa lagu sheegay dagaalkii 39-ka maalmood socday ee Mareykanka uu ku qaaday Iiraan , inuu soo muujiyay meelaha uu daciifka ka yahay Mareykanka. Waxaana soo baxday in ay jirto dhibaato la xiriirta kaydka rasaasta, taas oo muujinaysa in waaxda dagaalka Mareykanka ee Pentagon-ka aysan si buuxda ugu diyaarsanayn dagaal muddo dheer socda.

Warbixintu waxay leedahay Trump, mararka qaar wuu ku sax-sanyahay marka uu sheegto in Mareykanku yahay awoodda milatari ee ugu weyn dunida, sababtoo ah hubkiisa ayaa ah mid aad u sax ah, sir badan oo tiknoolajiyad sare leh.

Laakiin sida ay warbixintu sheegtay, taasi keligood kuma filna dagaal dheer haddii aysan jirin kayd weyn oo rasaas ah.

Sidoo kale waxaa la xusay in hubka Mareykanka uu aad u qaali u yahay, isla markaana dib in loo sameeyo ay qaadato waqti dheer iyo kharash aad u badan.