Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo ku Bur-burtay Gudaha Dalka Jabuuti

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Jabbuuti —Diyaarad aan duuliye lahayn oo ah nooca MQ-9 ayaa ku burburtay dalkaasi Jabuuri, iyada oo Mareykanku sheegey in ay wajahday cillad.

Safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti, ayaa xaqiijisay diyaarad millatariga Maraykanku leeyahay ay maanta ku burburtay meel u dhaw saldhig ciidanka Cirku leeyahay oo ku yaala gudaha Jabuuti.

Waxa Maraykanku sheegay in aanay jirin cid wax ku noqotay diyaaradda burburtay, iyadoo Maraykanku sheegay inuu samaynayo baadhitaan la xidhiidha sababta keentay diyaaraddan burburtay

Telefishinka Ruushka & Iiraan ayaa iyagu weriyey in lagu toogtay marinka Baab Al-mendab.