Abiye Ahmed, Oo ka Hadlay Doorashada Itoobiya ka Socota “Waan Aqbali-doonaa Natiijo kasta.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dadweynaha reer Ethiopia ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan 547 mudane oo ka mid noqonaya Baarlaamanka dalka Ethiopia.

Raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka mid ah cod bixiyeyaasha subax horeba codkooda dhiibtay,

Abiye Ahmed, oo ka hadlayay doorashada ayaa sheegay inuu xisbigiisu aqbali doono, Natiija kasta oo soo baxda xitaa hadii laga guullaysto waxuuna yiri:

“Natiijo kastoo ka soo baxda Doorashad waxaan diyaar u nahay in aan si wannaagsan u aqbalno. Si Nabad ah ayaan xilka ku warreejinayna..”

Doorashadan oo ka dhacaysa dhammaanba gobollada Ethiopia marka laga reebo gobolka Tigree waxa isu diwaan geliyey dad gaadhaya 50 Milyan oo qof oo ka mid ah dadweynaha Ethiopia.