Taliyaha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan Oo Sheegay Inay Dejiyeen Qorshayaal Cusub Oo Looga Hortagayo..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee dibadda ka howlgalla ee Quds, Jen. Esmail Qaani ayaa sheegay inay Iiraan dejisay qorshayaal cusub oo looga hortagayo sii socoshada weerarrada ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan iyo Qasa.sida ay Al Jazeera baahisay.

Taliya oo arimahan ka hadlaya ayaaWuxuu yiri; “ Sii socoshada weerarrada Lubnaan iyo Qasa, waxaa ka dhalanaya in la xiro marin-biyoodka Bab al-Mandab oo lagu soo rogo xaalad la mid ah marinka Hormuz.”

Waxaa kaloo uu intaa ku daray ;“ Qorshaha wuxuu yahay in sidoo jihooyin cusub ay iska caabinta ka weerarto Israa’iil, haddii aan si rasmi ah loo joojin weerarrada Lubnaan iyo Qasa, waxaa naga go’an xabbad-joojin hal dhinac ah inaan la aqbalin.”

Trump, ayaa horey u sheegay in xabbad-joojinta laga dhaqangeliyay Lubnaan, markii Iiraan ay ku hanjabtay inay weerarri doonto waqooyiga dhulka Israa’iil ay haysato, balse Iiraan wali waxay u aragtaa in loo baahanyahay cadaadis dheeraad ah oo salka dhulka u dhigaya Israa’iil.