Midowga Yurub ayaa ansixiyay qorshe cusub oo oggolaanaya in muhaajiriinta la diiday codsiyadooda magangelyo lagu geeyo xarumo ku yaalla dalal saddexaad ka hor inta aan dib loogu celin dalalkooda, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaallada lagu adkeynayo siyaasadaha socdaalka ee qaaradda.
Qorshahan cusub ayaa sidoo kale siinaya dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub awood dheeraad ah oo ay ku hirgeliyaan amarrada masaafurinta, iyadoo la qorsheynayo in la kordhiyo muddada lagu hayo dadka la masaafurinayo iyo in la adkeeyo tallaabooyinka lagu fulinayo go’aannada dib-u-celinta.
Arrintan ayaa timid iyadoo dalal badan oo Yurub ah ay wajahayaan cadaadis siyaasadeed oo la xiriira socdaalka sharci darrada ah iyo amniga gudaha. Taageerayaasha siyaasadaha adag ee socdaalka ayaa ku tilmaamay tallaabadan isbeddel weyn oo ku yimid habkii Midowga Yurub u wajahijiray arrimaha muhaajiriinta.
Dhanka kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta qorshahan uu ku yeelan karo xuquuqda magangelyo-doonka, iyagoo ku baaqay in la hubiyo in tallaabooyinka cusub ay waafaqsan yihiin sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Qorshahan ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyay doodihii ku saabsanaa siyaasadaha socdaalka ee Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orbán, oo muddo dheer ku baaqayay in la adkeeyo xuduudaha iyo sharciyada socdaalka ee Midowga Yurub. Taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in qaar ka mid ah fikradihii uu hore u soo jeediyay ay hadda si tartiib tartiib ah uga dhex muuqanayaan siyaasadaha cusub ee Midowga Yurub.
