Donald Trump ayaa sheegay inuusan weli ka laaban dadaallada lagu cadaadinayo Iiraan si ay u furto Marinka Hormuz, inkastoo uu ka cawday in dalal kale aysan ku biirin dagaalka.
Trump ayaa sidoo kale la hadlaya Ingiriiska, “ Wadamada aan haysan shidaalka diyaaradaha marinka Hurmuz dartiis sida Ingiriiska oo kale kaasoo diiday in uu Iiraan qurgoynteeda ka qayb qaato, 2 talo ayaan idiin soo jeedin:
1. Inaga naga iibsada, shidaal badan baan haysanaa
2. Geesinimadii idinka soo daahday dib u soo dhisa oo ordoo Hurmuz aada lana wareega.
Waa inaad barataan sida loo dagaalamo USA idinma caawin doonto sida aydun adinkuba u caawinayn. Iiraan waa la awood tiray, shaqada intii ugu adkayd waa la qabtay ee ordoo saliidiina doonta”.
Sido kale Trump ayaa sheegay “ Anigu halkaas waan joogayaa, laakiin haddii ay dhibaato ku qabaan helitaanka shidaalka, ha yimaadaan oo ha qaataan shidaalka, Ma ay rabaan inay cidna caawiyaan. NATO waa mid liidato, dhammaantoodna waa liitaan. Haddii ay shidaal rabaan, ha yimaadaan oo ha qaataan. Khatar dhab ah ma jirto, sababtoo ah dalka Iiraan si weyn ayaa loo burburiyay,” ayuu yiri Trump asigoo la hadlayey Telefeshinka CBS.
Iran Oo Xaqiijisay Dilka Jeneraal Sare
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa xaqiijiyay geerida Jamshid Eshaghi, oo ahaa jeneral sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee iran isla markaana la-taliye u ahaa taliyaha guud ee shaqaalaha militariga.
Bayaan ay faafiyeen warbaahinta dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in weerar lagu dilay Eshaghi iyo dhowr xubnood oo ka tirsan qoyskiisa, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nooca weerarka ama cidda ka dambeysay.
Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa hore u shaacisay in aaska taliyihii ciidamada badda ee IRGC, Admiral Alireza Tangsiri oo sidoo kale lagu dilay weerar Israa’iil ay fulisay la qaban doono maalinta Isniinta.
Raysal Wasaaraha Talyaaniga ayaa la sheegay inay diiday in diyaaradaha milatariga Mareykanka ay ka dagaan dalkeeda, xilli Donald Trump uu raadinayo saldhigyo cusub si uu uga fuliyo weerarro ka dhan ah Iran.
Go’aankan ayaa muujinaya khilaaf sii kordhaya oo u dhexeeya xulafada reer Galbeedka.