Xasan Sheikh Oo la Sheegay Inuu Diiday Dadaalo Lagu Dejinayo Xiisada Muqdisho ka Taagan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha mudo dhaafka ah Xasan Sheikh ayaa diiday sida ay xoguhu sheegayan dadaalo ay qaar kamid ah saaxiibadiis wali la jira isku dayeen in lagu qanciyo in taliyayaasha amar lagu siiyo in ciidamada laga qaado guryaha mucaaradka, lana qaboojiyo xaaladda taagan oo xabadda la joojiyo.

Xogo hordhac ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu aad ugu dhegan yahay in aan cidna hubeysan la joogi karin balad-ka oo ay tahay in hub ka dhigis lagu sameeyo, cid kasta oo doonaysa in ay kahortimaado damaca dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Isku dayga duqowda dhaqanka ayaa wali socda, iyadoo ay adag tahay in horey laga gaaro go`aan kama dambeys ah, xili ay dowladdu ciidankeedii oo dhan iskugu keentay aagag kooban oo magaalada Muqdisho ah lana soo baneeyey difaacyada 2da Shabeelle.