Jabhad Hubaysan Oo Maanta la Wareegtay Degmada Abergele, ee Deeganka Axmarada Itoobiya.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Degmada Abergele, ee Deeganka Axmarada waxaa si dhamaystiran ula warreegay jabhada hubaysan ee AGAW. Dad badan ayaa la sheegay in ay barakaceen.

Qowmiyada Agaw, waa kuwa sii dabar go’ay ee Deeganka Axmarada lagu dulmiyay sidda ay sheegtaan. Waxayna xiliyada qaarkood ahaayen qowmiyad Itoobiya iyo Eritrea meelo kamid ah maamusha.

Xiligii booqortayadii Zagwe, waxay qarni iyo dheerada maamuli jireen waqooyiga, iyo Badhtamaha Itoobiya, iyo siddo kale dhulka maanta Eritrea. Hada se waxay kamid yihiin qowmiyadaha aadka u yarraaday.

Jabhadan ayay dadka Dowladda dhexe taagersan ku eedeyan in ay TPLF taagero ka hesho jabhadan hubaysan ee AGAW.