Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Daahir Bakaal oo waraysi siiyey Wargeyska dalka Ethiopia ka soo baxa ee The Report ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin heshiiskii is fahan ee Somaliland iyo Ethiopia dhex maray, xidhiidhka labada dhinac, saamigii ay Ethiopia ku yeelatay Berbera iyo aqoonsi laga filan karo dalka Ethiopia.
Ugu horrayn waxa uu Wasiirku sheegay in Somaliland iyo Ethiopia yihiin saaxiibo isku dhaw oo muddo dheer wada shaqaynayey isla markaana uu ka dhexeeyey xidhiidh guun ah oo taabanaya danaha labada dal.
Waxa uu xusay in aanay waxa iska beddelin aragtada Somaliland ee ah in Ethiopia xaq u leedahay helista marin badeed iyo meel ay kaga xidhanto Adduunka, ayna diyaar u yihiin in ah Ethiopia kala xaajoodaan baahideeda dhinaca badda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar yahay marinkii Ethiopia iyo Somaliland isku xidhay isla markaana ay Ethiopia u furan tahay in ay wax kala soo degto dekedda Berbera.
Waxa uu tibaaxay in ay kulmeen madaxweyne Cirro iyo madaxda ugu sarraysa dalka Ethiopia iyaga oo ka wada hadlaya xidhiidhka labada dal.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in uu xooggan yahay xidhiidhka labada bulsho ee Ethiopia iyo Somaliland balse waxa uu sheegay in aanu jirin maal gelin Itoobiyaanku ku sameeyaan gudaha Somaliland.
Aqoonsi ay Somaliland ka hesho Ethiopia ayuu ku tilmaamay mid la filan karo inkasta oo uu sheegay in aanay Ethiopia ku khasbaynin in ay aqoonsato Jamhuuriyadda hayeeshe iyada iyo Imaaraadkuba ay yihiin laba dal oo saaxiib dhow la ah Jamhuuriyadda Somaliland.
