Iran Oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadalladii Madaxweynaha Lubnaan Ee Faragelinta Uu ku Eedeeyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa ka jawaabay hadalladii Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ee ku saabsanaa faragelinta shisheeye, isagoo qoraal af-Carabi ah ku daabacay baraha bulshada kuna adeegsaday lahjadda Lubnaan si uu ugu eedeeyo Aoun khiyaano siyaasadeed.

Qoraal uu ku baahiyey barta X, Baghaei ayaa yiri: “Wuxuu iibiyaa kii garab taagnaa, wuxuuna iibsadaa kii ka soo horjeeday. Wuxuu ka tagaa kii taageeray, wuxuuna raacaa kii cadaadis iyo dhibaato ku hayay.”

Madaxweyne Aoun ayaa hore u sheegay in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo adag, balse uu jiro horumar weyn oo la gaaray. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Iran inay Lubnaan u adeegsanayso kaarka gorgortanka ee wada-hadallada ay la leedahay Mareykanka.

Hadalladan is-weydaarsiga ah ayaa muujinaya xiisada sii kordhaysa ee u dhexeysa Tehran iyo mas’uuliyiinta Lubnaan, xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo diblomaasiyadeed oo adag