Masar oo Markale Xaqiijisay Taageerada ay u Hayso Midnimada iyo Madaxbannaanida Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar, Badr Abdelatty, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Wasiir Badr Abdelatty ayaa dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee Qaahira ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha dowladeed ee dalka. Wuxuu sheegay in Masar ay si dhow ula socoto xaaladaha ka socda Soomaaliya, gaar ahaan horumarrada ka jira caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu ku bixinayo dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo ilaalinta nabadda.

Sidoo kale, Masar ayaa markale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta madax-bannaanida Soomaaliya ama khatar gelin karta midnimada dhulkeeda.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Wuxuu xusay in Muqdisho ay ka go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo wadatashiga dhow ee kala dhexeeya Qaahira arrimaha muhiimka u ah labada dal.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu sii xoogeysanayo xilli ay socdaan dadaallo heer gobol ah oo lagu taageerayo xasilloonida Soomaaliya iyo la dagaallanka caqabadaha amni ee ka jira Geeska Afrika.