Booliiska Muqdisho oo Wada Howlgal lagu Raadinayo Hub ka Bilaabay Xaafada Mirinaaya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo la sheegay in ay lahaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo ay sheegeen in ay dhawaan weerarka ka geysteen Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Banaadir, hubkan ayaa lagu qariyey goobo kala duwan oo ku yaalla degmada, waxaana ciidamada ammaanku wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu soo saarayo hubkaasi si loo adkeeyo amniga magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo deegaanada ku dhow inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada fulinaya howlgalka, iyagoo xusay in wada-shaqeynta bulshada ay muhiim u tahay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in aan la aqbali doonin in guryaha lagu kaydiyo ama lagu qariyo hub sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga caasimadda iyo kan guud ahaan dalka.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay inay tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hubka sharci-darrada ah.

Booliisku ma sheegin cidda iska leh hubka iyo guryaha la baarayo, balse warar la helayo ayaa sheegaya in dowladdu ay batilmaameedsanayso saraakiil ciidan iyo shaksiayad kale oo la xiriir dhow la leh madaxweyne hore Sheikh Shariif.

Horey, mucaaradka ayaa ugu eedeeyay dowladda inay beegsanayo guryaha ay deggen yihiin mucaaradka si loo banaysto dhiggooda iyo hubka ku difaacayaan naftooda oo weerar lagu yahay.