Lix Qodob Oo ay Muhiim Tahay Inaad ka Ogaato Koobka Adduunka ee 2026

by Heemaaln
4 minutes read
A+A-
Reset

Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa lagu wadaa inuu noqdo kii ugu weynaa taariikhda kubadda cagta. Tartankan oo markii ugu horreysay lagu qabanayo saddex dal ayaa la filayaa inuu jebiyo rikoorro badan, isagoo keenaya isbeddello waaweyn oo saameyn doona ciyaartoyda, taageerayaasha iyo guud ahaan dunida kubadda cagta.

1- 𝑺𝒂𝒅𝒅𝒆𝒙 𝑫𝒂𝒍 𝒐𝒐 𝑴𝒂𝒓𝒕𝒊𝒈𝒆𝒍𝒊𝒏𝒂𝒚𝒂 𝑻𝒂𝒓𝒕𝒂𝒏𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒂𝒅𝒐𝒐 𝑿𝒊𝒊𝒔𝒂𝒅𝒐 𝑺𝒊𝒚𝒂𝒂𝒔𝒂𝒅𝒆𝒆𝒅 𝒂𝒚 𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒙𝒆𝒚𝒔𝒐

Markii ugu horreysay taariikhda, Koobka Adduunka waxaa si wadajir ah u martigelinaya Mareykanka, Kanada iyo Mexico. Hore waxaa kaliya u dhacday in laba dal ay wada qabtaan koobka, sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed sanadkii 2002.

Inkasta oo saddexdan waddan ay muddo dheer lahaayeen xiriir dhow, haddana xaaladda siyaasadeed ayaa noqotay mid adag tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad. Hadallada Trump ee ku saabsan Kanada iyo murannada la xiriira canshuuraha ganacsiga ayaa dhaawacay xiriirka labada dal, halka arrimaha xadka iyo amniga ay sii adkeeyeen xiriirka Mareykanka iyo Mexico.

2-𝒌𝒐𝒐𝒙𝒐 𝒃𝒂𝒅𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒖𝒍𝒂𝒎𝒐 𝒃𝒂𝒅𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒓𝒊𝒌𝒐𝒐𝒓 𝒄𝒖𝒔𝒖𝒃 𝒂𝒉

Koobka Adduunka 2026 wuxuu markii ugu horreysay ka koobnaan doonaa 48 xul qaran, halkii ay hore uga ahaan jireen 32. Taas waxay keentay in tirada guud ee ciyaaraha ay kor ugu kacdo 104 kulan, marka loo eego 64 kulan oo lagu ciyaaray Qatar 2022.

Tartanka waxaa lagu furi doonaa ciyaarta u dhexeysa Mexico iyo Koonfur Afrika oo ka dhici doonta magaalada Mexico City 11-ka Juun. Waxaa jiri doona 12 guruub oo min afar kooxood ah, iyadoo labada kooxood ee ugu sarreeya guruub kasta iyo siddeedda kooxood ee ugu wanaagsan kaalinta saddexaad ay u gudbi doonaan wareeg cusub oo ah 32-ka kooxood.

Ballaarinta koobka ayaa sidoo kale fursad siinaysa dalal markii ugu horreysay ka soo muuqanaya Koobka Adduunka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cape Verde, Curacao, Jordan iyo Uzbekistan. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah khubarada ayaa ka walaacsan in kororka tirada kooxaha uu hoos u dhigi karo tayada guud ee tartanka.

3-𝑵𝒂𝒔𝒂𝒔𝒉𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏 𝑱𝒐𝒐𝒈𝒕𝒐 𝑨𝒉 𝒐𝒐 𝑪𝒊𝒚𝒂𝒂𝒓𝒕𝒐𝒚𝒅𝒖 𝑩𝒊𝒚𝒐 𝑲𝒖 𝑪𝒂𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑰𝒏𝒕𝒂 𝑪𝒊𝒚𝒂𝒂𝒓𝒕𝒖 𝑺𝒐𝒄𝒐𝒕𝒐

FIFA ayaa ku dhawaaqday in dhammaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2026 lagu sameyn doono laba nasasho oo biyo-cabid ah, kuwaas oo dhici doona qiyaastii daqiiqadda 22-aad ee qayb kasta, iyadoon loo eegin xaaladda cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib walaac laga muujiyay heerkulka sare ee laga filayo qaar ka mid ah magaalooyinka martigelinaya tartanka. Nasashooyinkan cusub ayaa sidoo kale siinaya idaacadaha iyo telefishinnada fursad ay xayeysiisyo ku baahiyaan inta ciyaartu hakadka ku jirto, taasoo ka dhigaysa ciyaaraha kuwo u qaybsama afar qaybood, sida kubadda kolayga iyo kubadda Mareykanka.

4-𝙒𝙖𝙡𝙖𝙖𝙘𝙮𝙤 𝙇𝙖𝙜𝙖 𝙌𝙖𝙗𝙤 𝙓𝙪𝙦𝙪𝙪𝙦𝙙𝙖 𝘼𝙖𝙙𝙖𝙣𝙖𝙝𝙖

Warbixin ay soo saartay ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ka digtay in Koobka Adduunka 2026 uu keeni karo khataro la xiriira taageerayaasha, ciyaartoyda, saxafiyiinta, shaqaalaha iyo bulshada deegaanka.

Warbixintu waxay si gaar ah diiradda u saartay Mareykanka, oo martigelin doona inta badan ciyaaraha, iyadoo tilmaantay walaacyo ku saabsan arrimaha socdaalka iyo xorriyadaha madaniga ah. Sidoo kale Mexico waxaa lagu xusay heerarka sare ee rabshadaha iyo ciidamo amni oo aad u badan oo loo diyaariyay amniga tartanka.

Kanada dhankeeda, waxaa jira cabsi laga qabo in dadka hoy la’aanta ah ay wajahaan cadaadis dheeraad ah, gaar ahaan magaalooyinka Vancouver iyo Toronto.

5-𝙌𝙞𝙞𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙎𝙖𝙧𝙚 𝙚𝙚 𝙎𝙖𝙛𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙏𝙞𝙜𝙞𝙙𝙝𝙖𝙙𝙖

Masaafooyinka u dhexeeya magaalooyinka martigelinaya ciyaaraha ayaa noqon doona caqabad weyn oo dhaqaale. Magaalada Vancouver ee Kanada iyo Miami ee Mareykanka ayaa isu jira in ka badan 4,500 kiiloomitir.

Taageerayaasha doonaya inay si joogto ah ula socdaan xulkooda ayaa laga yaabaa inay ku bixiyaan kharash aad u badan safarro iyo hoy. Intaa waxaa dheer, qiimaha tigidyada ayaa noqday dood weyn. Qaar ka mid ah tigidhada kulanka furitaanka Mareykanka ayaa lagu iibinayay in ka badan $4,000, halka tigidhada final-ka qaarkood lagu xayeysiiyay qiimo ka badan $2 milyan.

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa difaacay qiimaha sare ee tigidhada, isagoo sheegay in qiimayaashu ay ka tarjumayaan baahida weyn ee loo qabo daawashada tartanka.

6-𝙎𝙪’𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙄𝙧𝙖𝙣 𝙞𝙮𝙤 𝘾𝙖𝙦𝙖𝙗𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙎𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙚𝙚𝙙

Iran ayaa u soo baxday Koobka Adduunka markii toddobaad, balse ka qaybgalkeeda waxaa hareeyay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Muwaadiniinta Iran ayaa weli wajahaya xayiraado safar oo la xiriira Mareykanka, halkaas oo dhammaan kulamada guruubka ee Iran lagu ciyaari doono. Inkasta oo ciyaartoyda, tababarayaasha iyo shaqaalaha farsamada laga dhaafay xayiraadahaas, haddana saraakiisha xiriirka kubadda cagta Iran ayaan si cad uga mid ahayn dadka laga reebay.

Kadib xiisadihii militari ee dhex maray Mareykanka, Israel iyo Iran sanadkan, waxaa jiray hadallo ku saabsan suurtagalnimada in Iran ay qaadacdo ciyaaraheeda. Ugu dambeyn waxaa la isku raacay in xulka Iran uu saldhig ka dhigto Mexico, halkaas oo uu ka safri doono marka ay ciyaaruhu ka dhacayaan magaalooyinka Los Angeles iyo Seattle