Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah uga baxay wareysi uu bixinayay, kadib hadallo kulul oo uu ku dhaliilay nidaamka doorashooyinka dalka iyo warbaahinta waaweyn ee Maraykanka.
Trump ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Maraykanka inay u egyihiin kuwa ka dhaca dalalka dunida saddexaad, isagoo muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada iyo kalsoonida shacabka ee nidaamka.
Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday hay’adaha warbaahinta ee CNN, ABC, CBS iyo barnaamijka Meet The Press, isagoo ku eedeeyay inay si aan cadaalad ahayn u tabiyaan arrimaha siyaasadda iyo ololayaasha doorashada.
