Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo Al shabaab.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahan yahay taa oo gacan weyn ka geysan doonta in waqti fudud Soomaaliya lagaga ciribtiro Al shabaab