Xidhiidhka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA, ayaa qorsheeyey inuu garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026 uu siiyo mushahar iyo gunnooyin xaddigoodu u dhexeeyo $150 kun oo doollar ilaa $200 oo kun oo doollar midkiiba.
Sida ay warbaahinta caalamka, gaar ahaan wargeyska The Times uu qoray, Garsoorayaasha koowaad, waxa la siin doonaa lacag dhan $ $100,000 doollar oo mushahar go’an ah inta uu tartanku socdo.
Waxa kale oo intaas dheer in garsoor walba la siiyo $3000 doolar ciyaar kasta oo uu dhexdhexaadiyo xiliga groupska, wareegyada kale ee aan groupska ahayna ilaa finalka waxa ciyaar walba garsooraha lagu siinayaa $10,000 doollar.
Calan-hayayaasha koobka Adduunka ayaa iyaguna helaya lacag gaadhaysa $25 kun oo doollar oo mushahar ah iyo ciyaar walba $2,500 oo gunno ah iyo $5000 doollar oo ah ciyaaraha aan groups stage-ka ahayn.
Garsoorayaasha V.A.R ayaa iyaguna helaya lacag gaadhaysa $3,000 ilaa $5,000 doollar.
Garsoore Cumar Abuubakar Cartan oo Soomaali ah ayaa qiyaas ahaan heli lahaa lacag u dhexaysa $150,000 ilaa $200,000 doollar haddii ay u suurtogali lahayd inuu ka mid noqdo Garsoorayaasha Koobka Adduunka, balse riyadiisii ayaa fashilantay kadib markii loo diiday dal-ku-galka Maraykanka.
