Burcad Baddeed Somali ah Oo Diiday Inay 2 Milyan kusii Daayaan Dad u Dhashay Masar Oo ay Afduubteen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay sheegtay Warbaahinta Al-Carabiya, Budhcad badeed ku sugan xeebaha Puntland ayaa diiday in ay qaataan 2 Milyan oo Dollar si ay u sii daayaan 8 qof oo saarnaa Markab ay ka afduubteen xeebaha badweynta Hindiya kuwaas oo u dhashay waddanka Masar.

Wada hadal dhinaca Internet-ka ku dhex maray budhcadda iyo Mulkiilaha Markabka la haysto ayaa ku soo dhammaaday is fahan waa ka dib markii ay afduubeyaashu dalbadeen lacag ka badan 2 Milyan oo Dollar

Warbaahinta Masar qaarkood ayaa sheegaya in ay markii hore budhacaddu ogolaatay labada Milyan balse dib ka soo la kacleeyeen oo ay dalbadeen lacag kale oo dheeraad ah.

Muuqaal ay ka duubeen ragga ay haystaan ayaa keenay in loo ogolaado lacagta 2 Milyan ah si looga sii daayo raggan ay haystaan.