Wednesday, June 10, 2026

Wafdi ka socda Dawlada Qatar Oo Booqasho ku Jooga Tehran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay warbaahinta Iran sheegtay, wafdi heer sare ah oo ka socda Qatar ayaa gaaray magaalada caasimadda Iran ee Tehran galabta si ay wadahadal ula yeeshen madaxda Iran.

Sida uu qoray wargeys dowladda taageero, wafdiga ayaa Tehran u yimid sidii ay isu dhaafsan lahaayeen ray’igooda ku saabsan xiriir labada dhinac ah.

Inta wafdiga ay joogaan Iran, waxay kala hadli doonaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed kuwaas oo lagu dhameyn lahaa dagaalka Iran iyo Mareykanka.

Booqashadan ayaa ku soo aaday iyadoo Mareykanka iyo Iran is-dhaafsanayaan weeraro kaddib diyaaradii helikobtarka aheyd ee laga soo riday Mareykanka.

Saacad ka hor ayuu madaxweyne Trump sheegay in Iran ay ka caga-jiideyso wadaxaajoodka islamarkaana ay wajihi-doonto cawaaqib xun.