Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu indhaha ka fiirsan doonin hanjabaadaha ka dhanka ah Suuriya, Lubnaan, iyo danaha Turkiga ee Qurbus iyo badda Mediterranean-ka. Erdogan wuxuu wacad ku maray in Turkigu bixin doono jawaab adag.
Madaxweynaha Turkigu wuxuu digniintii ugu dambeysay hawada u mariyay ISRL iyo dalal gobolka ku yaala oo uusan magacaabin balse uu sheegay iney la safan yihiin ISRL, Erdogan wuxuu sheegay in ISRL iyo jilayaasha gobolka ee la safan uu markan damac uga jiro iney khalkhal geliyaan xasiloonida gobolka gaar ahaan badda Mediterranean-ka iyo Qurbus, isla markaana ay ku raad joogaan wax uu ku tilmaamay “riyooyin aan la garaneyn.
Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu mardambe dulqaadan doonin, isla markaana ay bixin doonaan jawaab milatari oo aan horey loo arag, hadii laysku dayo in lagu xadgudubo danaha Turkiga ee gobolka, isagoo si adag u hadlaya Madaxweynaha Turkigu wuxuu yidhi “Hadii lagu xadgudubo danaha Turkiga ee Qurbus iyo bariga badda Mediterranean-ka, jawaabta Turkigu waa mid cad, si adag oo xoog badan ayaan u difaacan doonaa danahayaga.”
Jawaabta Erdogan ayaa timid kadib markii Ra’iisal Wasaaraha ISRL uu ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga “Kaligii taliye nacayb u qaba dadka YH-da lo taageeraya XMS isla markaana dhibaateynaya dadka Kurdida.” Wuxuuna Natanyahu sheegay in ISRL ay sii wadi doonto hawlgalada ka dhanka ah Iiraan iyo kooxaha xulafa la ah.
Waxaa sii xoogeysanaya hanjabaadaha adag ee hawada ay isku marinayaan Turkiga iyo ISRL oo kamid ah dalalka ugu awood badan bariga dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in labada Dal ay faraha iskula tagaan oo uu qarxo dagaal kale oo xaalada gobolka uga sii dari kara
