Xog laga Helay Heshiis u Dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan ayaa la saxiixi doonaa Axadda soo socota, sida uu xog-ogaal reer Galbeed ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo wadahadalladaasna la filayo inay ka dhacaan magaalada Geneva.

Ninka xog-ogaalka ayaa sheegay, in hadda la falanqeynayo tallaabooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo Iiraan ay ku adkeysaneyso in heshiiska ay qeyb ka noqoto joojinta weerarada lagu qaado dalka Lubnaan, halkaas oo ay Israa’iil ay ka geysato weeraro ka dhan ah kooxda Xisbullah.

Heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran, kaas oo la gaaray bilowgii bishii Abriil, hadda waxa la odhan karaa waxa uu qarka u saaran yahay inuu burburo kadib silsilad weerarro ah oo ka dhacay gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo mas’uul sare oo Iran ah ayaa bilowgii Abriil is dhaafsaday hanjabaado, waxayna sidoo kale ku gooddiyeen inay sii wadi doonaan tallaabooyinka ka dhanka ah midba midka kale kadib is-weydaarsiga weerarrada.

Arbacadii, Maraykanku wuxuu sheegay inuu weerar ku qaaday qalab ururin xogeed oo Iran leedahay kadib markii Iran ay soo ridday mid ka mid ah diyaaradaha helikobtarrada milatari ee Maraykanka ee gobolka Gacanka.