Trump oo u hanjabay isbayn. Jarmalkana amaanay

by Heemaal
1 minutes read

Waxaan joojin doonnaa dhammaan ganacsiga aan la leenahay Isbayn ayuu yiri Donald Trump markii uu la hadlay saxaafadda Aqalka Cad.

Isbaanish ayaa diiday in Maraykanku u adeegsado saldhigyadooda milatari si uu u weeraro Iiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Isbaanishka, Pedro Sánchez, ayaa cambaareeyay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan oo billowday Sabtidii, isaga oo ku tilmaamay “faragelin milatari oo aan sharci ahayn” isla markaana “khatar ah” oo ka baxsan xeerarka sharciga caalamiga ah, taas oo mar kale ka hor imanaysa siyaasadda Maraykanka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, oo booqasho ku tagayaa Aqalka Cad si uu ula kulmo Donald Trump oo xaaladda Iiraan ayaa noqon doonta mowduuc ay ka wada hadlaan labadooda

Dabcan maanta wax yar ayaan ka hadli doonnaa Iiraan, ayuu yiri Trump.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu qabay aragti xooggan oo ahayd in Iiraan ay weerar bilaabi doonto marka hore, isla markaana ay jirto sabab ay u sameeyeen tallaabooyinkaas.

Waan sii wadi doonnaa, ayuu Trump ku yiri warbaahinta.

Wuxuu intaas ku daray in militariga Maraykanku guulo ka gaaray goobo badan oo difaac oo Iiraan leedahay, isaga oo sheegay in “ku dhowaad dhammaantood la burburiyay.”

Waan arki doonnaa waxa ka dhaca Iiraan, balse marka hore waa inaan dhammaystirnaa hawsha militariga, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.