20
Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka hortimid warbixin ay WHO ka soo saartay dhimashada muwaadiniin Itoobiyaan ah, iyadoo ku tilmaantay xogtaasi mid aan sax ahayn.
Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in dhimashada Itoobiyaanka ay la xiriirto falal ay geysteen kooxo dambiyo abaabulan, balse aysan ahayn weerarro naceyb ku saleysan ajaanibta. Dowladda ayaa sheegtay in kiiska uu weli ku socdo baaritaan booliis, isla markaana ay WHO kala hadli doonto waxa ay ku tilmaamtay warbixin marin habaabin ah.
