Golaha wasiirada iyo Ra’isal wasaaraha dalka Equatorial Guinea ayaa is-casilay. Waxay xarreeyen codsiga is-casilaada keddib markii ay sheegen in ay waxqabadkii ay qorsheysteen 10% ka fulin kari waayeen.
Warkaas marka la akhriyo, waxaad is dhahaysaa Qaaradii Afrika waxay noqotay mid wadiiqo cusub qaaday. Laakin, xaqiiqadu sidaasi ma aha. Dalkan maxaa madaxwayne ka ah Obiang, oo afgembi kula warreegay sannadkii 1979-kii. Waa madaxwaynaha ugu mudada dheer caalamka.
Waxaa madaxwayne kuxigeen u ah wiilkiisa oo xogta is casilaada shaaciyay. Waxaana lagu sifeeya shaqsiga ugu awooda badan ee uu badalkiisa u diyaariyay.
Dalkan dahabka Qaniga ku ah ayaa ku shaqeeya luuqada Spanish, waxaa u soo raaca Fransiis iyo Portugal. Luuqadaha dalkana kuma jiraan kuwii ay u dhasheen.
