Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ansixiyey hannaan doorasho toos ah, si looga gudbo khilaafka doorashooyinka.
Golaha wuxuu sheegay in nidaamkan uu isku dheellitirayo doorashadii tooska eheyd iyo habka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5, isla markaana uu ku saleysan yahay tanaasul siyaasadeed iyo danaha shacabka, sida ay sheegeen.
Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka halka dhinac ah, iyaoo ku adkaystay in xal lagu gaaro wada-hadal siyaasadeed.
Waxey sheegeen in Faahfaahinta qorshahan ay soo bandhigi doonaan marka ay bilowdaan wada-hadallada siyaasadeed.


