Sida ay baahisay Channel 12 ee Israel, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa amar ku bixiyey in ciidanka Israel ay joojiyaan weerarrada ka socda Lubnaan.
Warbixintu waxay sheegtay in inkasta oo la hakinayo weerarrada milatari, haddana ciidamada Israel ayna ka bixi doonin goobaha ay hadda gacanta ku hayaan gudaha Lubnaan.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadaha ka taagan xadka Israel iyo Lubnaan, iyadoo weli aan la shaacin muddada ay ciidamada Israel sii joogi doonaan deegaannada ay maamulaan.
