Sida ay ku warrantay Warbaahinta NBC news, madaxweyne Erdogan ayaa masuuliyiinta dawladdiisa ku war geliyey in dib loo furo Mac’had ay wax ku baran jireen dadka haysta Mad’habta Orthodox kaas oo la xidhay sannadkii 1971kii.
Dugsigan oo ku yaalla meel aan ka fogayn magaalada Istanbul ayaa hadda dib u loo hawl gelin doonaa ka dib amar ka yimi madaxweyne Trump oo sannadkii hore la kulmay Erdogan isla markaana u soo jeediyey in uu dib u furo Mac’hadkaas oo ay muhiim u arkaan Kiristaanku.
Erdogan ayaa sida warbixintu sheegayso tallaabadan ku raalli gelinaya Donald Trump oo bisha soo socota magaalada Ankara kaga qayb gelaya shir madaxeedka Gaashaanbuurta NATO.
Giriigga iyo Midowga Yurub ayaa hore ugu soo jeediyey Erdogan in uu dib u furo Mac’hadkan oo muhiim u ah Kiristaanka bariga Yurub balse waxa muuqata in uu hadda aqbalay dalabka kaga yimi Trump.
