Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Pakistan.
Markii uu soo degay waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Saacad ka hor, isagoo sii wata safarradiisa diblomaasiyadeed, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi ka soo safray Cumaan, wuxuuna ku sii jeeday Pakistan, si uu safarkan ugula biiro Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian.
Araqchi ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ka hor inta uusan Massoud Pezeshkian imaan.
Cabbaas Araqchi ayaa horay uga soo kicitimay dalka Cumaan isagoo ka yimid dalka Switzerland si uu ula tashado maamulka marin biyoodka Hormuz isaga iyo wafdi ka socda Iran oo uu ku jiro Mohammad Baqer Qalibaf.
Sida laga soo xigtay ilo Iran ah, “waxaa la mahdiyay” dadaalka Pakistan ee dhexdhexaadinta Iran iyo Maraykanka waxaana lagu sheegay mid ka mid ah sababaha safarka Pakistan.
