Monday, March 9, 2026

Israa’iil Oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal kasoo Yeeray Xoghayaha Difaaca ee Britain

by Heemaaln
1 minutes read

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa dhaleeceysay Xoghayaha Difaaca ee Britain John Healey, kadib markii uu sheegay in weerarradii Iran ay sannadkii hore ku qaaday Israa’iil ay ahaayeen kuwo u dhigma jawaabta weerarkii israiil ku qaaday Iran

Wasaaraddu waxay dhaleeceynta ku muujisay qoraal ay ku daabacday baraha bulshada, iyadoo xitaa adeegsatay emoji-ka clown-ka, si ay uga jawaabto hadalka Healey.

Healey ayaa isla hadalkaas ku cambaareeyay weerarro uu sheegay in Iran ay sanadkan ku qaaday dalalka Khaliijka, isagoo ku tilmaamay kuwo khatar gelinaya ammaanka gobolka.

Hadalka wasiirka difaaca Britain ayaa dhaliyay falcelin diblomaasiyadeed oo cusub, iyadoo xiisadda u dhexeysa Iran, Israa’iil iyo xulafadooda reer galbeedka ay weli sii kacsan tahay.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.