Wednesday, June 24, 2026

Dawlada Somaliya Oo Dalalka Carabta ka Codsatay Inaan Wax Maalgalin ah la Siin Somaliland.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida uu baahiyay TV-ga Dawan ee xaruntiisu Muqdisho tahay Wasiiru dawladdaha wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa dalalka Carabta ka codsaday in aan wax maalgelin ah ama macaamil ah aanay la samayn Somaliland.

Wasiiru-dawlaha oo maalmahan socdaal ku marayay qaar ka mid waddamada Carabta ayaa ku adkeeyay in aanay fududayn ama maalgelin siin Somaliland oo uu ku tilmaamay gobol Soomaaliya ka tirsan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Somaliland dhawaan maalgashi ballaadhan ka filaysa waddamada Israa’iil , Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo Carbeed oo gacan saar la leh Israa’iil.

Maaha markii ugu horraysay ee xukuumadda Soomaaliya cadaadis dhinaca maalgashiga ay damacdo in ay saarto Somaliland waxana la xasuustii diidmadii maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World.

Inkasta oo xukuumadda Soomaaliya dedaal ugu jirto is hortaaga maalgashiga iyo caawimo Somaliland hesho haddana markasta waddamada dunida ayaa ku baraarugsan kala duwanaansha Somaliland iyo Soomaaliya.