Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu Turkiga ka iibiyo daraasiin matoorrada diyaaradaha dagaalka ah oo qiimahoodu gaarayo boqollaal milyan oo doolar.
Afar ilo oo arrintan la socda ayaa Reuters u sheegay in tallaabadan la qaadayo inkastoo ay jirto mucaaradad ka timid Congress-ka Maraykanka.
Iibsiga matoorradan ayaa loo arkaa horumar muhiim ah oo Ankara u soo hoyday ka hor shir-madaxeedka NATO ee bisha soo socota.
Matoorradan, oo ay soo saarto shirkadda General Electric, ayaa lagu rakibi doonaa KAAN, oo ah diyaaraddii ugu horreysay ee dagaal ee Turkigu ku farsaameeyo gudaha dalkaasi.
Turkiga, oo xubin ka ah NATO, ayaa bilaabay mashruucan weyn sannadkii 2016 si uu u gaaro isku-filnaansho dheeraad ah oo dhinaca difaaca ah.
Mid ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in heshiiska uu ka badan doono 700 milyan oo doolar, isla markaana la filayo in la dhammeystiro maalmaha soo socda.
