Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in weerar kasta lagu jawaabi doono mid la mid ah, isagoo ka hadlay weerarradii uu Mareykanku ku qaaday Iran.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, Vance wuxuu ku sheegay in Iran ay saxiixday heshiis xabbad-joojin ah, isla markaana Mareykanku uu u hoggaansamay heshiiskaas. Wuxuu intaas ku daray in haddii Tehran ay qabto wax cabasho ah oo ku saabsan sida loo fulinayo heshiiska is-afgaradka (MOU), ay tahay inay ku xalliso wada-hadal halkii ay rabshad u adeegsan lahayd.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo maamulka Donald Trump uu sheegay in duqeymihii uu ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaalla Iran ay jawaab u ahaayeen weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu qaaday markab ku sugnaa Gacanka, weerarkaasi oo Washington ay ku eedeysay Tehran.
Hadallada Vance ayaa muujinaya in Mareykanku uu ka digayo tallaabo kasta oo dheeraad ah oo uga timaadda Iran, isagoo xusay in weerar kasta oo cusub uu la kulmi doono jawaab militari oo u dhiganta.
