Israel Oo Diyaarado Dagaal ku Ilaalinaysay Diyaarad ku Socotay Telaabiib Oo la Afduubtay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Israel ayaa maanta hawlgalisay Diyaarado dagaal markii la sheegay in la afduubtay diyaarad ku socotay magaalada Telaabiib.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Electra Airways ayaa maanta ka duushay caasimadda Poland ee Warsaw, taasoo ku socotay Telaabiib ayaa xilli ay dul maraysay jasiirada Qubrus, wuxuu duuliyihii waday sheegay in diyaaradda la af duubay oo xakameynta diyaaradda ay gacantiisa ka baxday,

Intaasi kadib Israa’iil ayaa kicisay labo diyaaradood oo dagaal, kuwaasoo diyaaradan ilaalinayay illaa dib loo soo celiyay nidaamkeeda maamul oo la sheegay in la jebsaday, sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil