Koox Jabsatay Barta Rasmiga ah ee Wasaarada A-dibedda Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Koox budhcad ah oo xidhiidh la leh Xuutiyiinta Yemen ayaa jabsaday barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha-dibedda Somaliland, iyaga oo ku sharraxay sawirrada saraakiisha Xuutiyiinta.

Sidoo kale Budhcadan ayaa Mar kale la Wareegtay Bartii Inter-nedka Ee Bangiga Dhexe Ee Somaliland.

Somaliland ayaa wajahaysa weerar Internet, iyada oo budhcad xidhiidh la leh Iiraan & Xuutiyiinta Yemen in ay wadaan howlgal ka dhan ah hey’adaha dawlada Somaliland, iyaga oo ilaa hadda la wareegey Baraha Baanka & Wasaaradda Arrimaha-dibedda SL.

Baraha Somaliland ee lala wareegey ayaa laga la tirtirey dhammaan macluumaadka ku jirey, iyada oo lagu faafinayo taageerada Xuutiyiinta.

Weerarka internet-ka ee lagu qaaday Somaliland, ma jirto calaamad muujinaysa inay Xuutiyiinta fuliyeen, marka laga soo tago sawirrada afhayeenka Xuutiga oo lagu baahiyay website-ka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, taa beddelkeeda weerarkan wuxuu muujinaya inay fuliyeen koox si toos ah u hoostagta Iiraan oo wada shaqeyn la leh kooxaha weerarrada internetka fuliya ee Ruushka iyo Shiinaha, taasoo suragal ka dhigeysa Somaliland inay wajahday weerar ka ballaaran website-ka hadda hawada laga saaray.

Sida ka muuqata bogga la jebsaday , kooxda iska caabinta Islaamiga ah ee jebsashada intenet-ka (Cyber Islamic Resistance) ayaa ah kooxda fulisay weerarkan, waa isla kooxdii jebsatay kaamirooyinka waddooyinka magaalooyinka Israa’iil oo ay Telaabiib ku jirto, xogta wasaaradda difaaca Israa’iiil, xogta caafimaadka ee isbitaallada Israa’iil iyo midda ugu daran oo ah inay jebsadeen telefoonnada qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil.

Sidoo kale kooxdan ayaa iyadoo kaashanaysa kooxo Ruushka iyo Shiinaha ah waxay jebsadeen xogaha militari ee Mareykanka iyo xarumo kale oo isla Mareykanka ku yaal.

Ma-jirto wax wax ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland oo ku saabsan dhacadan