Iiraan ayaa sheegtay in haddii Maraykanka, Israa’iil ama xulafadoodu ay qaadaan tallaabo kasta inta lagu guda jiro munaasabadda aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore ee dalka, Cali Khamenei, ay bixin doonto jawaab adag oo ku habboon.
Sida ay sheegtay BBC Monitoring, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha Xarunta Khatam al-Anbiya ee Iiraan, ayaa uga digay Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ka hor inta aan la qaban aaska Cali Khamenei.
Cabdullaahi, oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ciidamada Iiraan, ayaa sheegay in munaasabadda aasku ay muujin doonto go’aanka shacabka Iiraan ee ah inay “u aar gudaan” hogaamiyahooda Cali Khamenei.
Warbixintan ayaa la baahiyay 2-dii July, waxaana baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyada oo loo marayo akoonkeeda Telegram.
Cabdullaahi ayaa yiri:“Waxaan uga digaynaa cadowga awoodda badan ee Iiraan, gaar ahaan Maraykanka, maamulka Israa’iil iyo xulafadooda ku sugan gobolkan iyo meelo kale, inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta isfaham la’aan ama khalad xisaabeed.”
