Dawlada Turkiga ayaa ku Guuleystay Tijaabada Gantaalka Ballistic-ga ah Ee Tayfun Block-3.
Gantaalkan ayaa lagu tijaabiyay doon yar oo nooca iswada ah oo badda ku socota, wuxuuna si sax ah u garaacay bartilmaameedkii loo asteeyay. Waxaa gantaalkan ku rakiban madax hagaya, taasoo u suurtagelinaysa inuu si toos ah u raaco bartilmaameedkiisa.
Sidoo kale, xawaaraha aadka u sarreeya ee gantaalkani uu ku socdo ayaa ka dhigaysa mid ay adag tahay inay qabtaan ama ka hortagaan nidaamyada difaaca cirku.
Waa markii ugu horreysay ee gudaha Turkiga lagu soo saaro gantaal ballistic ah oo noocan ah, waana tiknoolajiyad dunida aad ugu yar.
