Madaxweynaha Masar Oo Fariin Adag u Diray Israel.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi, ayaa qoraal uu u diray Isreal waxa uu ku sheegay in shacabka Masar aanay aqbali doonin caadiyeynta xidhiidhka ilaa laga gaadho nabad caddaalad ku dhisan.

Sida lagu sheegay qoraalka, Al-Siisi wuxuu xusay in Masar ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee heshiis nabadeed la saxiixda Israa’iil, balse xalka dhabta ah ee khilaafaadka Bariga Dhexe uu ku xidhan yahay in la soo afjaro arrinta Falastiin, oo la helo Dawlad Falastiin oo Caasimadeedu tahay Bariga Magaalada Qudus.

Hadalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ah Hadal uu dhawaan sheegay Raysal Wasaaraha Isreal oo ahayd in Masar iyo Madaxweynaha Masar in ay fuliyeen balanqaadayo ay galeen labada dhinac.