Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta kudhigtay mid kamid ah Hackers kii ugu khatarta badnaa dunida balse layaabku waa in uu yahay kaliya 19 jir.
Magiciisu waa Peter Stokes oo haysta dhalashada Maraykanka iyo Estonia. Waxaa laga soo qabtay dalka Finland iyadoo Maraykanku uu kaashanayo Interpol. Ninkaan iyo kooxdiisu waxay dhuunta ugaleen Shirkadihii iyagoo ka qaadan jiray Boqolaal Milyan oo Dollar.
Maraykanku wuxuu sheegay in Ninkan iyo Kooxdiisu ay sameeyeen in kabadan 100 Howlgal oo lagu jabsaday Nidaamyada Elektarooniga ah ee shirkadaha. Tusaale Shirkad bey xogtooda jabsan kadibna waxay leeyihiin xogahaas waan faafin haddii kale Lacago waalli ah oo madax furasho ah bixiya.
2025 tii waxay jabsadeen Shirkad iibisa Dahabka iyo alaabaha qaaliga ah oo lagu magacaabo Luxury Jewelry waxay ka xadeen xogteeda qarsoodiga kadibna waxay ka daadsadeen $8 Milyan oo Dollar.
