Waxaa maanta ka furmaya Hotel Decale wejiga koowaad ee wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayaan dowladda Turkiga, iyadoo wakiillo ka socda beesha caalamkana lagu wado inay ku soo biiraan maalinta labaad ee shirka.
Kulanka ayaa ah is-araggii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dhex mara wakiillo ka socda labada dhinac, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo la xiriira wadahadal siyaasadeed iyo xoojinta isfahamka.
Dhinaca mucaaradka waxaa shirka uga qeybgalaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Xildhibaan Kooshin iyo Cabdiraxmaan Ceynte. Dowladda Federaalka waxaa matalaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaanni, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Guutaale iyo Agaasimaha Madaxtooyada.
Wadahadalladan ayaa si dhow isha loogu hayaa, iyadoo laga filayo inay horseed u noqdaan dadaallo lagu xoojinayo wadatashiga siyaasadeed iyo xal u helidda arrimaha taagan ee dalka.
