HNN: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in ururka Nato uu wajihi karo mustaqbal “aad u xun” haddii dalalka xulafada la ah Mareykanka aysan ka qayb qaadan dadaallada lagu ilaalinayo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz. Hadalkan ayaa ku soo baxay wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times, kaas oo la daabacay maalintii Axadda.
Trump wuxuu sheegay inuu “dalbaday” in qiyaastii toddobo dal oo si weyn ugu tiirsan saliidda ka timaadda Bariga Dhexe ay ku biiraan isbahaysi loogu talagalay in lagu kormeero loona ilaaliyo marinkan muhiimka ah. Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalku maraan, waxaana lagu qiyaasaa in ku dhawaad shan meelood meel ganacsiga saliidda adduunka uu halkaas ka gudbo.
Isagoo la hadlayay wariyayaal saarnaa diyaaradda madaxtooyada Mareykanka ee Air Force One, xilli uu ku sii jeeday Washington kana soo laabtay Florida,
Trump wuxuu yiri:
“Waxaan ka dalbanayaa dalalkan inay yimaadaan oo ay ilaashadaan dhulkooda, sababtoo ah tani waa dhulkooda,” sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Dalalka ka qayb qaadanaya
Trump ma uusan shaacin dalalka ay dowladdiisu la gorgortamayso, balse maalintii Sabtida ayuu hore u sheegay qaar ka mid ah dalalka uu rajaynayo inay maraakiib u diraan marin-biyoodka. Dalalkaas waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uusan si weyn ugu tiirsanayn saliidda ka gudubta Hormuz, halka Shiinuhu uu halkaas ka helo ku dhawaad boqolkiiba 90 saliidda uu isticmaalo.
“Way fiicnaan lahayd haddii dalal kale ay nala wada ilaaliyaan marinkan. Waxaan diyaar u nahay inaan caawinno oo aan la shaqeyno,” ayuu yiri Trump.
“Waan xusuusan doonnaa cidda nala garab istaagta”
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka digay in Mareykanku xusuusan doono dalalka taageera iyo kuwa diida inay ka qayb qaataan hawlgalkan. Wuxuu si gaar ah u xusay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, isagoo sheegay in markii hore uu diiday inuu u diro markabyo dagaal oo Ingiriis ah aagga khatarta ah.
“Waan xusuusan doonnaa,” ayuu Trump yiri.
Kulanka Shiinaha oo laga yaabo in dib loo dhigo
Trump ayaa sidoo kale u sheegay Financial Times inuu ka fiirsanayo inuu dib u dhigo kulankii uu qorsheeyay inuu la yeesho Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping dabayaaqada bishan. Wuxuu sheegay in uu cadaadis saarayo Beijing si ay gacan uga geysato sugidda ammaanka marinka biyaha.
“Waa wax macquul ah in dalalka ka faa’iidaysta marin-biyoodka Hormuz ay ka qayb qaataan hubinta in wax dhibaato ah aysan halkaas ka dhicin,” ayuu yiri.
Shaki ku saabsan Iran
Markii wax laga weydiiyay haddii ay socdaan wadahadallo diblomaasiyadeed oo lala leeyahay Iran, Trump wuxuu sheegay in wada hadal jiro, balse uu shaki ka qabo rabitaanka Tehran.
“Waan la hadleynaa, laakiin uma maleynayo inay weli diyaar yihiin. Way soo dhowaanayaan, balse wali ma gaarin heerkii ay samayn lahaayeen waxa lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri.
Trump wuxuu sidoo kale caddeeyay in heshiis kasta uu marka hore ka bilaaban doono barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
“Ma jiri doonaan hub nukliyeer ah — taasi waa saldhigga. Intaas ka sokow waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo aan dooneyno inaan helno,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu ku daray inuusan hubin inuu doonayo heshiis gabi ahaanba.
“Xitaa ma hubo inaan doonayo inaan heshiis galo. Marka horeba, cidina si dhab ah uma oga cidda lala xaajoonayo, maadaama inta badan hoggaankoodii la dilay,” ayuu Trump hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.
Heemaal News Network