10
Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Masar ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u billowday dhoolatus wadajirka ah ee u dhexeeya Masar iyo Turkiga, kaas oo loogu magac daray “Golden Eagle (Gorgorka Dahabka ah)”.
Tababarkan waxaa ka qayb qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidamada baarashuudka iyo kumaandooska Masar, iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Turkiga. Waxa uu socon doonaa dhowr maalmood, isagoo ka dhacaya xarumaha tababarka ciidamada baarashuudka iyo kumaandooska ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.
