Madasha Midnimo Qaran oo uu hoggaamiyo Raysal wasaare hore, Cumar Cabdirashiid ayaa bilaabay dardar doorasho, iyaga oo Beesha-caalamkana u gudbiyey; Nooc doorasho toos ah oo dadweynuhu dooranayaan xildhibaannada kana qabsoomaysa dowlad-goboleed kasta lix magaaalo, kuna saleysan hannaanka federaalka dalka ayna maamulayaan hal guddi oo madax-banaan.
Mucaaridka Soomaaliya oo aan u midaysnayn sidii ay u midaysnaayeen doorashadii hore ayaa dhammaantood kolkan isku raacsan doorashada tooska ah, balse qaabkeedu kala duwan yahay; Golaha Mustaqbalka waxa ay diyaariyeen Doorasho toos ah oo ku saleysan 4.5, xisbiga Nabad & Nolol ayaa isna diyaarsaday doorasho toos ah oo aan faahfaahin badan laga bixin, halka Villa-Somalia ay wadato Qof & Cod uu xisbigeedu horkacayo.
Wada-hadallada DFS & Mucaaridka ayaa mar kale berri loo madlan yahay, iyada oo fadhiga berri ay dhexdhexaadiyaal ka yihiin dalalka Galbeedka, waxa ka qayb-geleya Guddiyada DFS, Golaha Mustaqbalka & Nabad & Nolol, ma cadda in ay ku biiri doonaan Madasha Midnimo.
Mucaarid aan mideysnayn ayaa loo arkaa fursado kale oo ay heleyso Villa-Somalia oo buuxsanaysa sannadka ay ku darsatay dastuurka dalka.
Dhinaca kale Golaha Mustaqbalka oo war ka soo saaray wada-hadalladii dhexmaray Dowladda Federaalka ayaa sheegey in wadalladu ku socdaan jawi isfaham ayna sii soconayaan si loo gaadho heshiis-siyaasadeed; iyaga oo ammaanay doorka dhexdhexaadnimo ee Dowladda Turkiga.
Warmurtiyeedkan ku soo baxay magaca ‘Golaha Mustaqbalka’ ayaa imanaya, iyada oo shalay aysan kulan kaas xaadirin Puntland & Jubbaland oo hoos u sheegey; in ay saluugsan yihiin dhexdhexaadinta Ankara, haatan se Golaha ayaa si kor ah ugu mahadceliyey Turkiga.
Wada-hadallada DFS iyo Mucaaridka oo kala ah Golaha GMS & Nabad iyo Nolol ayaa mar kale qabsoomaya berri, iyada oo kolkan ay dhexjoogayaan dalalka Galbeedka.
Sidoo kale Xisbiga Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa shaaciyay inay kulan guul ku dhammaaday Muqdisho kula yeesheen Dowladda Federaalka.
War-saxaafadeedka kooxda ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen sii ambaqaadista wada-hadallada si loo sugo xasiloonida iyo amniga dalka, iyagoo u mahadceliyay dowladda Turkiga oo fududeyneysay kulankan.

