FBI-da Mareykanka Oo Baaritaan ku Bilaabay Xiriirka Kubadda Cagta Ee Dalka Argentina.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda FBI-da Mareykanka iyo waaxda caddaaladda Mareykanka (DOJ), ayaa baaritaan ku bilaabay xiriirka kubadda cagta dalka Argentina (AFA) iyo madaxweynaha xiriirkaa Claudio Tapia, ka dib markii xiriirkan uu bankiyada Mareykanka dhex mariyay waqti kooban lacag dhan 300 milyan oo doolar oo ay kala baxeen, taasoo shaki gelisay hay’adaha Mareykanka.

FBI-da Mareykanka ayaa hadda shaaciyay inay baarayaan in lacagtan la mariyay bankiyada Mareykanka ay la xiriiri karaan dambiyo ay ka mid yihiin lacag dhaqid ama musuqmaasuq lagu sameeyay bankiyada, xilli uu socdo Koobka kubadda cagta Adduunka, sida uu qoray wargeyska loogu akhriska badanyahay Argentina ee La Nacion.