Xulka kubadda cagta gobolka Siti oo ku guulaystay tartanka 13aad ee ciyaaraha gobollada DDS.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa koobka tartanka ciyaaraha gobollada DDS, guddoonsiiyay xulka kubadda cagta gobolka Sitti oo 2:1 kaga badiyay dhiggooda gobolka Shabeelle oo ay isugu yimaadeen ciyaarta kama danbaysta ah (Final).
Ciyaartan kama danbaysta ah waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare, kumannaan taageere. Garsoore Cumar Cartan oo ah garsoore heer caalami ah iyo macalinka xulka qaranka kubadda cagta Itoobiya, Yohanis Sahale.










