Turkiga Oo ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyadii u Dambeeyay Ee ka Dhanka ah Ee Wado Israa’iil.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska dawladda Imaaraadka Carabta ee The National ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay iyo hadallada ka dhanka ah Turkiga ee ka soo baxaya Israa’iil.

Wuxuu yiri; “Ma jiro wax sabab ah oo keeni kara dagaal toos ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil.

Waxaan rumeysanahay in gudaha Israa’iil ay weli jiraan dad leh aragti fog oo ka duwan tan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo kooxdiisa.

Netanyahu iyo qaar ka mid ah xulafadiisa waxay u baahan yihiin cadow cusub, maadaama doorashooyinku soo dhow yihiin.

Kadib dagaalladii ay la galeen Xamaas, Xisbullah iyo Iiraan, waxay hadda isku dayayaan inay Turkiga ka dhigaan cadowga xiga.”

Wuxuu intaa ku daray; “Siyaasadaha dowladda Netanyahu dhib kuma aha Turkiga oo keliya. Waxay khatar ku yihiin Israa’iil lafteeda, dalalka gobolka, iyo xitaa amniga dunida.

Meel kasta oo aan tago waxaan ka dareemayaa in dad badan ay isku raacsan yihiin in siyaasadaha dowladda Netanyahu ay halis ku yihiin amniga iyo dhaqaalaha caalamka.Xitaa hoggaamiyeyaasha Yurub, inkastoo ay markii hore ka gaabinayeen arrintan, waxay hadda bilaabeen inay fahmaan khatarta jirta. Sidoo kale Donald Trump ayaa isna bilaabay inuu garwaaqsado.

Marka laga hadlayo Suuriya, haddii Israa’iil isku daydo inay xasillooni darrada ka abuurto halkaas, Turkigu wuxuu dib u eegis ku samayn doonaa qorshayaashiisa iyo sida uu xaaladda ula tacaalayo.

Waxaa kaloo uu yiri; “ Sida ay Israa’iil ula dhaqmayso dalalka gobolka waxay muujinaysaa inaysan doonayn inay hareeraheeda ka jiraan dalal deggan oo xooggan.

Sidaas darteed waxaan la shaqaynaynaa Sacuudiga, Pakistan iyo Masar si loo dhiso nidaam cusub oo amni oo gobolka ah.

Nidaamkan cusub ma beddeli doono ururrada hadda jira sida Jaamacadda Carabta ama Golaha Iskaashiga Khaliijka, balse wuxuu ujeeddadiisu tahay in go’aannada muhiimka ah si degdeg ah loo gaaro.

Nidaamkan amni wuxuu ku salaysan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dal kasta iyo in la dhowro dhulkiisa.”

Isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri; “Israa’iil waxay ballaarinteeda ku sababaysay sugidda amnigeeda, halka Iiraan ay iyaduna ku eedaysan tahay inay faragelin ku samaysay dalal kale iyadoo adeegsanaysa kooxo ay taageerto.

Haddii la gaaro heshiis cusub oo dammaanad qaadaya madax-bannaanida dhammaan dalalka, markaas dal walba waa inuu ku ekaadaa xuduudihiisa oo uu ixtiraamaa kuwa deriskiisa.”

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay; “Annagu ma doonayno dagaal iyo colaad cusub, laakiin sidoo kale ma oggolaan doonno in gobolka loo beddelo goob lagu kala xalliyo dano siyaasadeed oo khatar gelinaya mustaqbalka shucuubta gobolka.”