Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo dawladda Imaaraadka Carab oo uu ku eedeyay inay Mareykanka gacan ku siinayso weerarrada uu ka fuliyo gudaha Iiraan.
Wuxuu yiri; “Waaxda Ganacsiga Mareykanka waxay soo saartay dukumenti cusub oo ku saabsan fududeynta xeerarka xakamaynta dhoofinta iyo kor u qaadista heerka dhoofinta ee Imaaraadka, oo ku saabsan in Imaaraadku si fudud wax uga soo dhoofsan karo gudaha Mareykanka, taas oo lagu beddelay taageerada uu ku siiyay falalka milatari ee gardarrada ah ee ka dhanka ah Iiraan.”
Wuxuu intaa ku daray; “Tani waa qirasho rasmi ah oo ka timid Mareykanka, waana dukumenti fadeexad ku ah Abu Dhabi, kaas oo xambaarsan mas’uuliyad caalami ah iyo cawaaqib sharci….Imaaraadka waa in lala xisaabtamaa.”
