Ciidanka Maraykanka Oo Caawa Weerar ku Qaaday Gudaha Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa caawa weerar ka fuliyay gudaha Iiraan, iyadoo la sheegay inta weerarkaa socday in la beegsaday goobo lagu kaydiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sidoo kale weerarradan ayaa lagu bartilmaameedsaday raadarrada la socda dhaqdhaqaaqa ee yaalla xeebaha Iiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed waxyar ka hor uu baahiyay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka oo sidoo kale sheegay in weerarradan looga jawaabayay markab ganacsi oo ku socdaalayay calanka dalka Singapore oo ay shalay weerartay Iiraan xilli uu ka sii baxayay marin-biyoodka Hormuz

Dhinaca kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa hadda ku dhawaaqay inay si adag oo deg deg ah uga jawaabi doonaan weerarro ay caawa diyaaradaha Mareykanka ka gaysteen gudaha Iiraan, sida ay werisay Al Jazeera.