Dagaalka Bariga Dhexe oo mar kale cirka isku shareeray iyo marinka Hormuz oo galay xaalad halis ah!
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa 48-kii saac ee u dambeeyey si weyn u sii xoogaysatay, kaddib markii Maraykanka iyo Iir*n ay is-weydaarsadeen weerarro cusub, kuwaas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in dagaalku ku fido dalal kale oo gobolka ah.
Warbaahinta Reuters, Associated Press (AP) iyo The Guardian ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay duqeeyeen goobo badan oo militari oo ku yaalla Iir*n, iyagoo sheegay in weerarradu jawaab u ahaayeen falal lagu beegsaday maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz. Dhanka kale, Iir*n ayaa ku dhawaaqday inay xidhay marinkaas muhiimka ah, isla markaana ay qaaday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday saldhigyo Maraykanku ku leeyahay iyo bartilmaameedyo ku yaalla dalalka Khaliijka.
Marinka Hormuz, oo ay maraan qiyaastii shan meelood meel shidaalka dunida loo dhoofiyo, ayaa hadda wajahaya hakad weyn oo ku yimid isu socodka maraakiibta, taasoo sare u qaadeysa qiimaha shidaalka iyo walaaca laga qabo saameyn dhaqaale oo caalami ah.
Dhanka diblomaasiyadda, Cumaan waxaa ka socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda, iyadoo wakiillo ka socda Iir*n, Maraykanka iyo dalal kale ay ka wada hadlayaan sidii loo ilaalin lahaa isu socodka maraakiibta iyo in dagaalku uusan isu beddelin iska horimaad ballaadhan. Ilaa hadda lama shaacin heshiis rasmi ah.
