Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa soo saaray war deg-deg ah oo digniin ku siinaya ururrada siyaasadda ee ka qeyb-galaya doorashooyinka isku-sidkan ee Dowlad Goboleedka Galmudug inay si buuxda u ilaaliyaan qoondada haweenka ee kuraasta golayaasha deegaanka.
War-saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in ururrada siyaasadda ay waajib ku tahay inay marka ay soo gudbinayaan liisaska musharraxiinta golayaasha deegaanka ay xaqiijiyaan in haweenku helaan ugu yaraan 30% kuraasta loo tartamayo, si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka dalka.
Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta qoondada haweenka ay tahay waajib sharci ah oo saaran dhammaan ururrada siyaasadda, isla markaana aan la aqbali doonin liisas musharraxiin ah oo aan buuxin shuruudda qoondada haweenka ka hor inta aan loo gudbin guddiga.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in habraaca soo gudbinta liisaska musharraxiinta uu si cad u waafaqsan yahay qodobada 19-aad, 35-aad iyo 42-aad ee Sharciga Doorashooyinka, kuwaas oo dhigaya in la dhowro xuquuqda haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda iyo matalaadda hay’adaha dowladeed.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in guddigu uu ka go’an yahay kormeerka iyo hubinta in dhammaan ururrada siyaasadda ay u hoggaansamaan shuruudaha sharciga, gaar ahaan ilaalinta qoondada haweenka, iyadoo loo cuskanayo qodobada 3-aad, 13-aad iyo 20-aad ee Sharciga Doorashooyinka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, ayna u hoggaansamaan dhammaan xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, caddaalad ah, isla markaana fursad siman u abuura haweenka iyo ragga ka qeybgalaya tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Galmudug.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA

