Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa la dhigay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU) ee isbitaal ku yaalla Kampala, kadib markii uu suuxay xilli ay socotay maxkamadeyntiisa ku aadanayd dacwad khiyaano qaran ah oo kal hore lagu soo oogay.
Besigye oo 70 jir ah ayaa xabsi ku jiray tan iyo Nofeembar 2024. Wuxuu diiday qareenno ay dowladda u magacawday inay difaacaan, waxaana kaddib markii xanuunku kusoo booday ee si gaar ah uu suuxay, ay ay askarta xabsigu u qaadeen isbitaal.
Xaaskiisa Winnie Byanyima ayaa sheegtay inuu miyir beelay, uusanna hadli karin.
Besigye ayaa afar jeer u tartamay xilka madaxweynaha Uganda isagoo la loollamay Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaana la sheegay in sanadkii 2024 laga afduubtay Kenya ka hor inta aan dib loogu celin Uganda.
Kizza Besigye iyo kaaliyihiisa Obeid Lutale ayaa kula xiran xabsi, waxaana lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran, eedeyntaas oo ay labadooduba beeniyeen.
Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay inay qorsheynayeen afgambi lagu ridayo dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni. Dambiga ah khiyaano qaran ee Uganda waxaa lagu mutaysan karaa xukun dil ah haddii lagu helo.
